Madaxweyne Farmaajo oo Ergo Madaxweynayaal ah u diray Axmed Madoobe iyo Siciid Deni

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si  loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha Hirshabeele.

Maanta ayaa la filayay in ay shir yeeshaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, balse shirkaas ayaa baaqday,waxaana wali taagan khilafkii u dhexeyay Dowladda dhexe iyo Madaxweynayasha Jubbaland iyo Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor