Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtey

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan booqasho ku joogay dalka Turkiga ayaa manta dib ugu soo laabtey Magalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyey,xildhibaano iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  ka qeyb galay kullanka Lixaad oo ay yeesheen golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalkaasi haya  ee AK Part, shirkaas oo dhacay  18-kii Bishaan,waxana ka hor turkiga uu sidoo kale tegay dalka Jabuuti oo uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle six al looga gaaro mad madow soo kala dhex galay labada Wada nee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay Ankara kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,iyaga oo ka wada hadlay xaalada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha xilligaan ka jira dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor