Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay,kadib Safarkii Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana ay kawada hadleen  xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media