Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey  oo  Booqasho shaqo kusoo kala bixiyey Wadamada Burundi iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay kawada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media