Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Wafdi baraalan uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka  ugu qeyb galay Shir looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya .

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan ee Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Frmaajo ayaa Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka  kaga qeyb galay Shirka Iskaashiga Caalamka ee u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka,kaasi oo ay ka qeyb galeen madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, xubno ka socday beesha caalamka iyo madaxda Waddamo badan oo kamid ah kuwa Saaxiibada dhow la ah Soomaaliya.iyadona Shirkaas laga soo saaray war-murtiyiid.

Waxaa saakay la xiray dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada Soomaalaiya,kadib markii todobadkan gudihiisa ay ka dhaceyn meel u dhow Xarunta Madaxtooyada Qaraxyo Ismiidaamin ah,waxaana sidoo kale la arkayay Ciidamada  koofi casta ee ilaalada ka ah Madaxtooyada oo Saaran dabaqyada ku yaala isgoyska Ceel-Gaabta.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor