Madaxweyne Farmaajo iyo Xogahayaha Qm oo ka hadlay Xaalada Abaarta

Xogahayaha cusub ee Qm Antonio Guterres oo goor dhaweyd ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdosho ayaa  kulan Khaas ah la yeeshay madaxweyne Farmaajo oo ay kaga hadleen arimo laxariira abaarta.

Madaxweyne Maxamed Cadbullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulanka kadib warbaahinta u sheegay inay kawada hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay abaarta ee ku sugan qeybo kamid ah Dalka loona bad baadin lahaa nolosha dad badan oo halis ugu jira abaarta.

Waxaa kale uu sheegay madaxweynuhu in kulankaasi ay uga hadleen amaanka dalka iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu balan qaaday xogahaye Antonio Guturres inuu garab istaagi doono dowlada cusub.

Waa markii ugu horeysay xogahaya cusub ee Qm uu yimaado Muqdisho,kaasi oo bilaawgii sandkan xilka kala wareegay xoghayihii hore ee Banki-moon.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media