Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland oo kulan uga socda Addis Ababa

War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muusem Biixi Cabdi uu kulan hada u socdo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in kulan uu u socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo ah kulankii ugu horeeyay ay dhexmaraya labada dhinac.

Ilaa iyo hada lama oga waxyaabaha looga hadlayo kulankaas, waxaana wararka  qaarkood ay sheegayaan in kulan uu yahay mid Albaabada u xiran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya uga qeyb galay Shir Madaxeedka Midowga Afrika, halka Madaxweyne Muuse Biixi uu maalmo kahor gaaray halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media