Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay inuu la afuri doono Dad Barakacayaal ah

Madaxweynaha dalka Türkiye,  Rajab Dayib Erdoğan ayaa la filayaa inuu dadkii ku barakacay masiibadii Dhul-gariirka uu kala qeyb galo Afurka Maalinta koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Erdoğan ayaa waxa uu kala qeyb geli doonaa Muwaadiniinta ku barakacay Dhul-gariirkii ee ku nool Hobalka Kahramanmaraş Afurka maanta.

Wakaallada Wararka dalka Türkiye ee Anadolu News Agency  ayaa sheegtay inuu Madaxweynuhu soo kormeeri doono qaabka ay u socdaan Hawlaha Dib-udhiska iyo Nolosha caadiga ee dadkii ku barakacay Dhul-gariirkii ka dhacay dalkaasi bishii February 6-dii ee sanadkan.

Wakaallada Wararka oo soo xiganayo Ilo Xog-ogaal ah ayaa shaacisay in Madaxweyne Erdoğan lagu wado inuu bishan Ramadaan si joogto ah booqasho hawleed ugu tago Goballadda uu saameeyey Dhul-gariirka.

Bishii la soo dhaafay ee February 6-dii, waxaa dalalka Turkiye iyo Syria ka dhacay 2 Dhul-gariir oo Halbeegoodu kala ahaa 7.7 iyo 7.6 Richter scale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor