Madaxweyne Deni ”Waxaan ku guuleysan doonaa inaan helno dad sharciga u hogaansan”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi ayaa sheegay inay ku guuleysan doonaan in Puntland hesho dad ilaaliya sharciga, isla markaana u hoggaasama awaamiirta kasoo baxda Mas’uuliyiinta ka sareysa.

Madaxweyne Deni oo ka hadlaayay Munaasabad loo qabtay Ciidanka Asluubta Puntland ayaa tilmaamay in loo baahan yahay ilaalinta sareynta sharciga iyo dowladnimada, wuxuuna xusay in arrimhaas aysan marnaba gorgortan ka geli doonin.

Madaxweynaha Puntland ayaa Carabka ku dhuftay in Saraakiisha xilalka loo magacaabayo aysan u qaadan mid iyaga lagu sharfayo, hayeeshee looga dan leeyahay isbedel in la sameeyo oo uusan aheyn in qofka la magacaabo uu xilka ku takrifalo.

Isaga sii hadlaayay Deni ayuu rajeeyay in iyada oo aan xadgub la sameeyn dadka lagu ilaaliyo sharciga, wuxuuna intaas kusii daray aysan marnaba gorgortan ka geli doonin ilaalinta sharciga iyo dowladnimada.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aaday, iyada oo Agaasimihii Ciidanka PSF uu ka horyimid xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana xilka qaadista ka dhashay muran u dhexeeya Maamulka iyo Saraakiisha PSF.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor