Madaxweyne Deni oo weli kulamo uu la leeyahay Beesha Caalamka ka wada Nairobi

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde.

Kulanka waxaa looga hadlay taageerada Dowladda Sweden ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Puntland, iyadoo Madaxweynuhu uga mahadceliyay Dowladda Sweden garab istaaga Hay’adaha ku shaqo leh Dimuqraadiyadda oo ay ugu horeyso Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo dhiirrigelinta hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland oo rajo u ah Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo  Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde ayaa laga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa Mashaariicda Sweden ka taageerto Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula kulmay, Safiirka Ingiriiska Damon Bristow, Safiirka Netherlands/Holland ee Soomaaliya Amb. Maarten Brouwer, Safiirka cusub ee Denmark, wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, iyo Safiirka Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor