Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Itoobiya kala hadlay la-dagaalanka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan iskaashiga iyo xoojinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dardargalinta dhameystirka doorashooyinka Dalka ee dhawaan heshiiska laga gaaray.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan ayaa sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe u sheegay inay ka qeyb qaadanayaan howlgalada lagu xaqiijiyo amniga Gobolka iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo xubno kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor