HomeWararMuuse Biixi oo Jawaab oo ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Muuse Biixi oo Jawaab oo ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in marnaba aysan aqbali doonin gooni isku taagga Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Burco ayaa waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in marnaba aysan aqbali doonin gooni isku taagga Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Burco ayaa waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mid sii kordhiyaha caddaawad hor leh oo dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland.

- Advertisement -

Madaxweyne Biixi ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan iyo Nin jooga Magaalada Muqdisho aan waxba laga weydiin doonin gooni isku taagga Somaliland, isla markaana ay iyagu yihiin qaran madax bannaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh iyo Xamar nin joogo waxba laga weydiin maayo qaddiyadda Somaliland, 30 sanno qaran madax bannaan ayeynu nahay, hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sii kordhinayaa caddaawad” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Hadalkaa aad tiri cadaawadduu kordhinayaaa aqli xumana way tahay 30 sanno ayeynu kala maqneenee waxaa ka wanaagsanaa inaad tiraahdo oo ku leenahay laba dowladood oo jaar ah oo walaalo ah oo Soomaaliyeed ma ahaanaa”.

- Advertisement -

Hadalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka uu sheegay in marnaba aysan dowladda Federaalka Soomaaliya aqbaleynin nooc kasta oo gooni isku taagga Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham, ayna xitaa u ogol yihiin inay iyaga soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts