Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo Magacaabis sameeyay (Wareegto)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug, kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Qoorqoor ayaa Cusmaan Macallin Xasan u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug, waxaana  la sheegay in Cusmaan Macalin uu yahay aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha, isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaaliyeed ee dadaalka ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka iyo  maareynta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media