Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo Goor dhow magacaabay Wasiiro cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor ayaa Maanta magacaabay laba Wasiir cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada Maamulkiisa, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Axmed Qoorqoor ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha Galmudug u magacaabay Axmed Cali Maxamed, halka Cumar Sheegow Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Galmudug.

Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa faray hay’addaha kala duwan ee Maamulka inay la shaqeeyaan labada Wasiir cusub ee la magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Magacaabista Wasiirada cusub ee Wasaaraddaha Qorsheynta iyo horumarinta iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga Galmudug ayaa timid baahi loo qabo in la dardar-geliyo in la helo Wasiiro karti leh oo gudan kara waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista ee lasoo saaray

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor