Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo wafdi la socday oo safar dhulka ah ku gaaray Baxdo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa socdaal dhinaca  dhulka ah Maanta gaaray degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ee Maamulkaas.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa waxaa degmada Baxdo kusoo dhaweeyay Maamulka degmada, Odayaal, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xubo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo guddoomoyaha Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday guud ahaan dadkii kusoo dhaweeyay degmada Baxdo, isagoona xusay in shacabka degmada Baxdo ay muujiyeen geesinimo, iskana diideen duullaankii dhawaan Al-shabaab ku soo qaaday degmada.

Todobaadyo kahor ayey aheyd markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Baxdo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Shabaabka iyo dadka deegaanka, iyadoona dagaalka uu dhaliyey khasaaro aad u badan dhimasho iyo dhaawac leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor