• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 21, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Midowga Yurub u gudbiyey heshiisyo ay ka baxday DFS

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 18, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo kulanka lagaga hadlayay arrimaha amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in ay wali gabi dhaclaynayso isla markaana uuna muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay bilowgii kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah isla markana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray balse sanadihii danbe uu noqday Mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu talagalay taas oo sababteeda ay leeyahiin Dowlada Federaalka ah wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowlada Federaalka ah ay ka gaabisay hanaanka isku xirka amniga qaranka isla markana ay Ciidamada Dowlada u isticmaashay arrimaha siyaasada taas oo qeyb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale inay dayacday fursadahii hogaaminta howlgalka AMISOM iyo diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareega amniga dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in Dowlada Federaalka ah ay ka baxday heshiisyadii amniga ee ay wada gaareen dhamaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018.

Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in ay qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM iyagoo faragalin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya isla markana dhumiyay shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay Mid Wanaagsan balse uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah inkasto intaasba aan looga baran Dowlada Federaalka ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul lagaga gaari karo in la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan ah si ayna iskugu gurman Midowga Yurub iyo deeq-bixiyayaasha ayuu Madaxweynahu xusay in baahi weyn loo qabo isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo hadaf sax ah.

Previous Post

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Doorashada Golaha Shacabka ee socota

Next Post

Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 18/03/2022

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Next Post

Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 18/03/2022

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho uu ka furmo shir albaabadu u xiran yihiin, kaas oo uu guddoomin doono...

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ilaa la joojiyo weerarrada lagu...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Waxaa maanta si rasmi ah lagu soo xiray Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex haween ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan...

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
  • Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
  • Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00