Madaxweyne Omar Hassan Al-bashiir ayaa sheegay inay Dowladda Masar gabaad iyo taageero siiyaan Kooxaha dagaalka kula jira Ciiddanka Dowladiisa.
Wareysi uu siiyey Telefishinka Al-arabiya waxa uu carrabka ku dhuftay inay Sirdoonka Masar taageeraan Maleeshiyadda ka dagaalantaGoballadda Daarfuur, Blue Nile iyo Koonfurta Kordofaan..
“Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-sisi waa nin wanaagsan ii saaxiibkay ah, balse, Sirdoonka Masar ayaan eedeynayaa” ayuu yiri Madaxweyne Al-bashiir.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dacwad u gudbin doonaan QM, haddii aysan Masar joojinin xadgudubyadda iyo sheegashadda qeybo ka mid ah dhulka Sudan ee ku teedsan Xuduudka Labada Waddan.
Milliteriga Masar waxay sannadkii 1995-kii qabsadeen dhul cabirkiisu dhan yahay 10,000 oo mayl oo isku wareeg ah oo ka tirsan Sadderx Geesoodka Xalayeb.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Sudan waxa uu beeniyey inay marti geliyeen dhowr xubnood oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Akhwaanu-muslimiinka laga mamnuucay dalka Masar.
©Radio Dalsan