Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi kaariye Qooqqoor.

Labada Madaxweyne ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxaana inta kulanku socday ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda dalka.

Marxaladda kala guur ka ee dalku marayo ayaa qayb ka ahyd waxyaabaah ay ka wada hadleen labada Madaxweyne Axmed maaxmed islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweynaah Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

kulankan oo ahaa casho sharaf  yaa Madaxweynaha Galmudug hoyigiisa ugu sameeyay Madaxweynaha Jubaland, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray oo lagu faaqiday Doorashooyinka 2020/2021 iyo iskaashiga labada Dowladood.

Madaxda maamul Goboleedyada iyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi maxamed farmaajo ayaa waxaa shir uu uga socdaa Magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyiintu ay ka shirayaan sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaah siyaasadda ee hadda taagan gaar ahaa doorashooyinka soo aaddan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media