• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaliya oo ku kulmaya Asmara

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 10, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaliya oo ku kulmaya Asmara
46
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Masar, Cabdelfatah Al Sisi, ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli Asmara ay haatan martigelineyso kulamo siyaasadeed oo heer sare ah, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Eritrea, uu halkaas ku sugan yahay.

Kulamadan ayaa isugu jira kuwo labada dhinac ah iyo kuwo saddex-geesood ah oo ay wada qaadan doonaan madaxda Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea.

Sida laga soo xigtay afhayeenka Madaxweynaha Masar, booqashada Al Sisi waxay xoogga saari doontaa xoojinta xiriirka u dhexeeya Masar iyo Eritrea, iyada oo lagu saleynayo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la filayo in labada hoggaamiye ay diiradda saaraan waa xaaladaha amniga ee gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada Geeska Afrika iyo amniga Badda Cas, oo muhiim u ah istaraatijiyadda labada dal.

Kulanka saddex-geesoodka ah ee ka furmaya Asmara ayaa noqonaya mid muhiim u ah isku-duubnida siyaasadeed ee saddexdan waddan, iyada oo Madaxweyne Isaias Afwerki uu martigelinayo labada madaxweyne ee Masar iyo Soomaaliya, kuwaas oo xiriir dhow la leh Eritrea. Saddexdan dal ayaa wadaaga dano istaraatijiyadeed oo ku saabsan ammaanka gobolka, waxaana kulankoodu imaanayaa waqti ay kor u kacayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika.

Horey, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa yeeshay kulan hor dhac ah oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka, gaar ahaan amniga iyo nabadgelyada, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale dhibaatooyin kala duwan kala kulmaya Dowladda Itoobiya, taas oo si joogto ah ugu soo xadgudubtay qaranimada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay taagan tahay arrinta  biyo-mareenka Nile-ka u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya, waana mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee la filayo in Masar ay diiradda saarto inta uu socdo kulanka.

Kulamada Asmara waxay noqon doonaan kuwo muhiim ah oo lagu go’aaminayo isbahaysiga istaraatijiyadeed ee gobolka.

Previous Post

Maxay yihiin Qodobada ay sida gaarka ah kaga wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Madaxaweynaha Eritrea?

Next Post

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 10/10/2024

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post
Ingiiriska oo fariin hanjabaad u dirau Ruushka, xili weli ay taagan tahay xiisada Ukraine

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 10/10/2024

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00