Madaxweynaha Venezuela oo ku dhawaaqay Doorasho Baarlamaan

Madaxweyne Nikolas Maduro ayaa u soo bandhigay Mucaaradka ku xooggan Barlamaanka dalkaasi in la qabto Doorasho, six al loogu helo Xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi.

Madaxweynaha oo ka hadlay Telefishinka dalkaasi waxa uu sheegay inay Doorashadaasi noqon doonta mid ku dhacda Nbaad. Dimuqraadi iyo Xalka Dastuurka, isla markaana looga gudbi karo xaalladdaha adag ee  Siyaasadeed ee ka jirta dalka Venezuela.

Doorashadda soo socota ee Barlamaanka dalkaasi ayaa la filayaa inay qabsoonto sannadka soo socda ee 2020-ka.

Afhayeenkii hore ee Barlamaanka Venezuela, Juwaan Guaydo waxa uu bishii Janaayo 23-dii ee sannadkan ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ee dalkaasi, isagoo taageero ka helaya Dowladaha Reer Galbeedka iyo dalalka deriska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media