• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha Uganda oo markii 7aad wiilkiisa oo la tartamilahaa u tanaasualay.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
September 22, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Madaxweynaha Uganda oo markii 7aad wiilkiisa oo la tartamilahaa u tanaasualay.
2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wiilka uu dhalay hogaamiyaha mudada dheer xilka hayay ee Uganda Yoweri Museveni ayaa Sabtidii sheegay inuu ka tanaasulay qorshihii uu xilka madaxweyne ugu tartami lahaa doorashada soo socota ee 2026, isaga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay taas beddelkeed taageeraan aabihiis.

Madaxweyne Museveni, oo dalka hoggaaminayey 38 sano, ayaa si weyn loo filayaa inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweynaha, inkasta oo aanu weli si rasmi ah u xaqiijin musharaxnimadiisa.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku dhawaaqo in aan ku jiri doonin warqadaha cod-bixinta 2026,” ayuu Muhoozi Kainerugaba ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X, oo hore u ahaan jirtay Twitter.

“Waxaan si buuxda u taageersanahay madaxweyne Yoweri Museveni doorashada soo socota,” ayuu yiri, isagoo taageerayaashiisa ku boorriyay inay aabbihii taageeraan markii toddobaad.

Kainerugaba, oo hadda ah madaxa militariga dalka, ayaa si weyn loo filayaa in uu ugu dambeyntii noqon doono ninka bedeli doona aabihiis, laakiin wuxuu sidoo kale caan ku yahay inuu sheego hadallo muran badan dhaliyay.Museveni waxa uu 2022-dii raali geliyey Kenya kadib markii wiilkiisa uu Twitter-ka ugu hanjabay inuu ku duuli doono dalka deriska la ah.

Mucaaradka Uganda ayaa muddo dheer ku eedeeynayey Museveni inuu doonayo inuu boqortooyo ku soo rogo Uganda, taasi oo uu madaxweynuhu beeniyay.Museveni oo 80 jir ah ayaa dalka Uganda soo xukumayay tan iyo 1986-kii, waxaana uu labo jeer bedelay dastuurka si uu xukunka u kororsado.

Dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo mucaaradkiisa siyaasadeed, oo uu ku jiro heesaaga noqday siyaasiga ee Bobi Wine, ayaa muddo dheer Museveni ku eedeeynayey in uu ciidamada ammaanka u adeegsado xarigga, cabsi gelinta ama jir dilka taageerayaasha mucaaradka. Museveni wuu beeniyey eedeymahaas.
Wine waxa uu galay kaalinta labaad doorashadii madaxtinimo ee u dambaysay ee 2021. Si kastaba waxa uu diiday natiijada, isaga oo tuhunsan in lagu shubtay cod-bixinta iyo afduub iyo cabsi-gelin loo gaystay taageerayaashiisa.

Museveni ayaa ku tilmaamay doorashadii ugu cadaaladda badneyd abid ee dalka Uganda.

Previous Post

Hirshabelle Police Arrest Five Bandits in Security Operation Along Jowhar-Bal’ad Road

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo u safaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

May 18, 2025
Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo u safaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha oo u safaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay.

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

by Ilhaan
May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya,...

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

by Liban
May 19, 2025
0

Mogadishu, Somalia – A highly sensitive and potentially divisive legal debate unfolded today in Somalia’s Federal Parliament as members of...

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Office of the Auditor General of Somalia  recently took part in an important African Union (AU) meeting in Lomé,...

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe), accompanied by Member of Parliament Mohamed...

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
English News

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
English News

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations
English News

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation
English News

Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
  • Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
  • Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
  • NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00