Madaxweyne Yoweeri Museveni ayaa ku hanjabay La-bixidaasi, haddii la meel-mariyo Qorshe lagu dhimayo tirada Ciiddankiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan Heer Wasiir ah oo Khamiistii hore lagu qabtay caasimadda dalkiisa ee Kampala, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu Golaha Ammaanka ee QM ku wargeliyey inay tallaabadaasi wax weyn u dhimi doonto sidii looga guuleysan lahaa Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Somalia joogeen xilli ay tirada ciiddankiisa yaraayeen oo ay joogeen Xarumaha magaalladda iyo Waddooyinka, halka ay Alshabaab ka haysteen dalka oo dhan, waa sida uu hadalka u yiri.
Madaxweyne Museveni waxa kale oo uu tilmaamay inuu Golaha Ammaanka ee QM si cad ugu sheegay inuu la bixi doonto 6,400 Askarta Uganda ee ka joogta Somalia, haddii lagu khasbo inuu yareeyo tiradooda.
“Waxay iga codsadeen inaan dhimo tirada Ciiddanka Uganda, balse marnaba ma dhimi doono xitaa hal Askari” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo intaasi ku daray inuu ciiddankiisa kala bixi doono Somalia haddii wax laga dhimo tirada Askartiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Waddanka Uganda waa dalka ugu ciiddanka badan Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay in ka badan 6,400 Askar Ugandese ah ka mid yihiin guud ahaan tirada Askarta AMISOM oo dhan 21,626 Askari.
Sida laga soo xigtay Madaxweyne Museveni waxaa Ciiddanka Nabad-ilaalinta laga soo saari karaa Somalia, marka ay Dowladda martida loo yahay dhisato Ciiddan xooggan oo ku filan difaaca dalkooda hooyo.
Hadalka uu Madaxweyne Museveni ku goodiyey ayaa soo baxay, iyadoo ay Golaha Ammaanka ee QM doonayaan in la dhimo Ciiddanka AMISOM, ka hor inta si rasmi ah looga wada daad-gureyn doono Somalia sannadka 2020-ka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda ayaa noqday Hoggaamiyihii 2-aad ee dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ee ku goodiyey inuu Ciiddankiisa kala bixi doono Somalia, haddii la yareeyo tirada Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza waxa uu horey ugu hanjabay inuu Ciiddankiisa kala bixi doono Hawlgalka AMISOM, haddii ay Maal-bixiyayaaha Hawlgalka ka jawaabin qorshaha ay 1,000 ka mid ah Ciiddanka Burundi dib loogu soo celinayo dalkooda hooyo.
Hawlgalka AMISOM waxaa dhabar-jab ku noqon doona haddii ay Dowladaha Uganda iyo Burundi ka dhabeeyaan goodintooda ku aadan inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma kala cadda haddii ay QM iyo Midowga Afrika wax ka bedeli doonaan qorshaha la doonayo in lagu dhimo ciiddanka AMISOM, kadib hanjabaada Labadaas Madaxweyne, balse waxaa jira cabsi kale oo ku aadan inay taasi fursad u noqon karto Alshabaab.
Xigasho: the East African, Kenya.