Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inay dalalka haysta Hubka Nukliyeerka cabsi ku hayaan Caalamka.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu ku eedeeyey dalalka haysta Nukliyeerka inay hanjabaad ku hayaan dalalka kale, wuxuuna sheegay in kuwa haysta in ka badan 15,000 oo Madaxyada Nukliyeerka haatan cabsi ku hayaan Caalamka.

Waxa uu ku baaqay in dalalka Bariga Dhexe laga nadiifiyo Nukliyeerka, isagoo tilmaamay inay Yuhuudda oo keliya haystaan Nukliyererka ay dalal kale ku cabsi geliyaan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu si kulul u naqdiyey go’aankii ay Dowladda Maraykanka kaga baxday Heshiiskii Caalamiga ee Dowladda Iiraan. Lala galay sannadkii 2015-kii.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media