Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan uu Jimcaha soo socda booqan doono Caasimadda Raashiya ee Mosko, kana qeyb geli doono Kulan Heer Sare ah oo ay yeelan doonaan Madaxda Labadaasi Dal.
Kulankaasi waxaa shir-guddoomin doona Madaxweyne Putin iyo Erdogan, waxaana la isku dhaafsan doonaa Xaalladaha ka taagan Gobalka iyo Caalamka, gaar ahaan Arrimaha dalka Syria.
Labada Madaxweyne waxay kala saxiixan doonaan dhowr Heshiis muddada u uErdogan booqanayo Mosko.
Kulankii ugu dambeeyey ee ay Labada Madaxweyne yeeshaan ayaa waxa uu dhashay bishii Augsut ee sannadkii hore, kdaib, markii ay labad dhinac ka heshiiyeen Xiisaddii ka dhalatay Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiya ee ay Ciiddanka Turkiga soo rideen bishii November ee sannadkii 2015-kii.
Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan Xabbad-joojintii dalka Syria iyo Wada-xaajoodyadda Siyaasadda ee lagu xalinayo Colaadaha ka socda dalka Syria.
©Radio Dalsan