Madaxweynaha Turkiga oo Baaq kasoo saaray xiisada Ukraine iyo Ruushka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in wadahal lagu dhameeyo xiisada ka taagan bariga Ukraine ee gobolka Donbas taasi oo ku aadan qilaafka soo kala dhaxgalay dalalka Ukraine iyo Ruushka.

Madaxweyne Erdugan ayaa waxa uu walaac ka muujiyay xaalada siyaasada cakiran waxaana uu kulan uu la qaatay dhiggiisa Ukraine ee Istanbul, isagoo kala hadlay arrin ku aadan xiisada u dhexeeysa dalalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in miiska wadahadalka la iskugu yimaado waxaana uu inta ku daray in Turkiga uu diyaar u yahay inuu bixiyo wixii taageero ah ee loo baahan yahay.

Erdogan iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada Istanbul Sabtidii iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa Kyiv iyo Moscow oo ku saabsan khilaafka muddada dheer ka socday Donbas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor