Madaxweynaha Tanzania oo socdaal ku tageysa Kenya iyo ujeedka

Madaxweynaha dalka Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la filayaa inay berrito booqasho 2 maalmood ah ku tagto Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Afhayeenada Aqalka Dowladda Kenya, Kanze Dena-Mararo ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta casuumaadu fidiyey dhigiisa dalka Tanzania, waana socdaalkeedii u horeeyey ee iyadoo Madaxweyne ah ku booqato dalkaasi.

Kulanka labada Madaxweyne waxa uu ka dhici doono Dhismaha Aqalka Dowladda Kenya ee magaalladda Nairobi.

Madaxweynaha Tanzania waxay sheegtay inuu Maamulkeeda  go’aansaday in la xaliyo qaar ka mid ah arrimaha u dhexeeya labada dal.

Bishii la soo dhaafay, Dowladda Kenya waxay ku hungowday qorshooyin si wadajir ah oo lagu dhisi lahaa Dhuumo shidaalka geeya dalka Uganda, kadib, markii  ay Dowladda Tanzania sababo la xiriira COVID 19 u xireen xuduudka dalkooda.

Dhinaca kale, Marwo Samia Suluhu Hassan waxay bishii hore qaabishay Wasiirada Sport-ga ee dalka Kenya, Amina Mohamed, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka labada Waddan iyo sidii ay Guddiga Joogtada ee Isku-dhafka ee labada dal (the Joint Permanent Commission (JPC) uga wada hadli lahaayeen qorshaha lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Guddiga Joogtada ee Isku-dhafka ee labada dal waxa Kulnkoodii u dambeeyey yeesheen sanadkii 2016-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dalka Tanzania oo xilkaasi loo caleemo saaray bishii February waxay noqotay Madaxweynihii u horeeyey ee  dumar ah ee Madax ka noqoto dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor