Madaxweynaha Syria oo sheegay inay Milliteriga Maraykanka duullaan ku qabsadeen dalkiisa.

Isagoo la hadlayey Telefishin dalka Shiinaha ee Chinese TV station Phoenix ayaa waxa uu tilmaamay in Ciiddan kasta oo dalkiisa soo gala iyagoo aan lagu casuumin inay yihiin kuwo qabsaday dalkiisa.

Ku-dhawaad 500 Askar Maraykan ah ayaa ku sugan meel ku dhow Degmadda Manbij ee Waqooyiga Syria, kuwaasi oo taageeraya Kooxx la dagaalanta Daacish.

Waxa uu si kulul u naqdiyey dhigiisa dalka Maraykanka, Donald Trump oo uu ku tilmaamay Nin hadalkiisa iyo ficilkiisa wada soconin.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay xiriir aad u dhow la leeyihiin Ciiddanka Raashiya ee Askarta Syria taageeradda ka siinaya sidii Kooxda Daacish looga saari lahaa magaalladda Raqah, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Raqa iyaga muhiim u tahay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media