Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Madaxweynaha amhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Wafdiga oo kusii jeeda Magalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde ka sii sagootiyay Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalkaasi uga qeyb geli doono Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’aysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.

Kulankan ayaa waxa uu daba-socdaa  natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor