Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan Magaalada dhuusamareeb ee gobolka galgaduud.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka ayaa wada qaban qaabada soo dhaweenta Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in halkaasi uu kulamo Aan caadi ahayn uu kula qaato odayaasha dhaqanka Magaalada dhuusamareeb kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dhisida Maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Amaanka Magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa Aad loo Adkeeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor