Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Maanta Magaalada Kismaayo

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ee Maamulka Jubbaland uu gaaro Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo)

Safarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlin doona Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya,halka qaarkood Shalay ay si hordhac ah u gaareen Magaalada Kismaayo.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay ku tagayaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay sidii uu u dhiiragelin lahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland kuwaas oo dhawaan bilaabi doona howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana meelaha qaar ka socda howlgal ay sameynayaan ciidamada Jubbaland maadaama uu shalay halkaasi qarax ka dhacay,waxana hada socota qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha iyo xubnaha la socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media