Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dalka Shiinaha, waxaana madaxweynaha iyo waftiga ayaa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira siyaasadda labada dhinac.
Wafdiga ka socday Shiinaha ayaa waxaa hoggaaminayay Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa Ambassador Zhou Yuxiao.
Waxaa Soomaaliland ay sheegtay in ay ka wada hadleen iskaashiga u dhexeeya shiinaha iyo Soomaaliland, waxaana si gaar looga wada hadlay arrimaha ganacsiga iyo horumarkka.
Shiinaha ayaa si gaar ah waxaa uu Afrika kaga wada maal gashiyo ballaaran, wafdiga Hargeysa ku sugan hoggaaminaya China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao,
Tan iyo markii Soomaliland ay ku dhawaaqday in ay xiriir la yeelatay Taiwan waxaa isi soo tarayay Diblomaasiyiinta ka socda Shiinaha ee ku qul qulaya Soomaliland, waxaana la rumaysan yaahy in u jeedka uu yahay sidii Soomaliland ay xiriirka ugu jari lahayd Taiwan oo ah maamul ka mid ah Shiinaha balse isku aragta in ay ka madax bannaan tahay.