HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre

Madaxweynaha Somaliland oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

War Saxafadeed: Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray digreeto uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, isagoo madaxweynuhu sababeeyay asbaabaha dhaliyay in xilka laga qaado. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul waxaannu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War Saxafadeed:

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray digreeto uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, isagoo madaxweynuhu sababeeyay asbaabaha dhaliyay in xilka laga qaado.

- Advertisement -

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul waxaannu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.

Madaxweynuhu:-

- Advertisement -

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;
Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;
Markuu Yaqiinsaday:In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;
Wuxuu Go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali. ALLAA MAHAD LEH.”

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts