HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay deyntii Bankiga Adduunka ka Cafiyay Somalia

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay deyntii Bankiga Adduunka ka Cafiyay Somalia

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Somaliland Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si wada-jir ah u sharraxay Aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku deynta kaga cafiyey Soomaaliya oo aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si wada-jir ah u sharraxay Aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku deynta kaga cafiyey Soomaaliya oo aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo oo u muuqata mid la duudsiyey.

Ugu horrayn Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaradka ah oo maanta saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada, ayaa meel adag iska taagay tallaabada uu Baanka adduunku ku duudsiyey kaalintii iyo taladii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas, waxana ay caddeeyeen inay Somaliland tahay Dal Madax banaan oo xaq u leh in gaarkiisa loola macaamilo waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Eng. Faysal Cali-waraabe oo arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay waa sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu baanka adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland oo ah sidii dal u madax-bannaan arrimihiisa masiiriga ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland,

- Advertisement -

Dhinaca kale, madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi-mucaarid waxa ay bulshada reer Somaliland si wada jir ah ugu direen farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts