Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Dal-weynaha Mareykanka Iyo Shacabkiisa ugu hambalyeeyay Sannad Guurada ka soo wareegtay markii dalkaasi xorriyadda ka qaatay Ingiriiska.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Muuse Biixi uu dhambaal hambalyo ah u dirayo dal-weynaha Mareykanka oo u dagaal-degaya Xuska sannad guurada 244-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska 04-July-1776-kii.
Muuse Biixi ayaa Dal-weynaha Mareykanka ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan Maanta, iyadoo xusid mudan tahay in markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June 1960-kii uu Gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts, Mr. Cristian Archibald Herter oo markii danbena noqday xoghayihii arrimaha dibeda ee dal-weynaha maraykanku uu Somaliland iyo shacbigeeda ku soo hambalyeeyey xornimadii ay ka qaateen boqortooda Ingiriiska.
“Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka xornimada iyo horumarka 244-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.