Madaxweynaha Somaliland oo diray Dhambaal ku aadan sannadka cusub ee Islaamka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu Munaasabadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1444-ka (Hijiriyada) awgii uu hambalyo, bogaadin iyo ducoba u diray guud ahaanba ummada Islaamka gaar ahaan Shacbka Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu hambalyo taa la mida u diray Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ugu tahniyadayey curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan maanta oo Jimce ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 29/07/2022.

Madaxweynuha ayaa Alle uga baryay inuu shacavka Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaarsiiyo bash-bash, baaraare iyo barwaaqo, inta xanuunsana uu ka dulqaado xannuunka.

Ugu dambayna Madaxweynaha Somaliland wuxuu ummada Islaamka iyo Shacabka Somalilandba u rajeyey in Sannadka cusub ula kowsada Barwaaqo iyo horumar.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: