Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul-wasaaraha Masar oo kulan gaar ah ku yeeshay dalka Koonfurta Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaaraha dalka Masar, Enjineer Ibraahim Maxalab ayaa xalay Kulan Khaas ah ku yeeshay magaalladda Johannesburg ee dalka Masar.

Ra’isul-wasaaraha Masar waxa uu hoggaaminayey Wafdigii Masar uga qeyb galay Shirweynihii 25-aad ee Madaxda Ururka Midowga Afrika ee shalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Johannesburg.

Wargeyska Almasriya Alyoom ayaa qoray inay Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha Masar ka wada hadleen xiriirka labada waddan, xaalladaha Gobalka iyo arrimaha Mandiqadda.

Ra’isul-wasaare Ibraahim Maxlab waxa uu sheegay inay Dowladda Masar kordhin doonto taageeradda ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri iyo mas’uuliyiin ka kalasocotay Somalia iyo Masar.

Xigasho:- almasryalyoum.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor