Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan Casho ah oo uu Taliyayaasha Ciiddanka Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM iyo Danjirayaasha Dowladaha ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ugusameeyey Xarunta Villa Somalia.
Waxa uu sheegay inay Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Urur-gobaleedka IGAD bisha soo socoto Shirweynahooda ku yeelan doonaan magaalladda Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu Shirkaasi muhiimad ballaaran leeyahay.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in Shirkaasi lagu qiimeyn doono Nabadda iyo Horumarka Somalia.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay Hawlgalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab, wuxuuna ugu baaqay in la dardar geliyo Hawlgalkaasi, lana adkeeyo Ammaanka Guud.
Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Taliska Ciiddanka Qaranka iyo kuwa AMISOM kula dardaarmay inay dardar geliyaan Hawlgalkooda xilliga Doorashooyinka Somalia.
“Waa in laga hortagaa fal kasta oo ay Alshabaab ku carqaladayn karaan Nidaamka Doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweynaha oo Ciiddanka Qaranka iyo kuwa AMISOM ku ammaanay sida ay u wiiqeen Awooddii Alshabaab.
©Radio Dalsan