Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska รย Puntland .
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga รย Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska รย Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.
Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidankeenna geesiyaasha ah ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.