Madaxweynaha Puntland oo Saraakiisha Ciidamada kala shiray dagaalka Tukaraq

Wararka nagasoo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kulamo xasaasi ah ay ka dhaceyn halkaas,kaas oo looga arrinsanayay dagaalka Tukaraq.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas,waxana goobjoog ka ahaa saraakiisha Ciidamada,Xildhibaano,Wasiiro iyo waxgarad matalayay Gobolka sool.

Kulanka oo ay Saxaafada banaanka ka joogtay ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in aad loogu gorfeeyey sidii deegaanka Tukaraq iyo deegaanada kale ee Gobolka sool looga saari lahaa Maamulka Soomaaliland.

Kulankaas ayaa waxaa sidoo kale barbar socday kulan kale oo ka dhacay jiida hore ee degaanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland,kaas oo saraakiishii ka qeyb gashay ay sheegeen in ay ka go’an tahay la wareegitaanka tukaraq.

Xaalada deegaanka tukaraq ayaa hadda ah mid degan kadib laba maalmood oo uu dagaal ka socday,waxana masuuliyiinta labada dhinac ay kala sheegteen guulo,wallow aysan jirin warar madax banaan oo cadeynaya guulaha laga gaaray dagalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media