Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiye Gobol (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Sanaag, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Sanaag, waxaana Guddoomiyihii hore ee Gobolka loo magacaabay La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha maamul iyo horumarineed ee Gobolka Sanaag.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

2-Waxaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Comments
Loading...