Madaxweynaha Puntland oo Maanta kulamo gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidamada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka.

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka ee maanta Kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan difaaca Puntland.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan waxa loogu yeero argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kale isla Maanta la saraakiisha ciidanka Asluubta Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Saraakiisha warbixin ku saabsan shaqada socota, gaar ahaan xaaladda Xabsiyada, iyo maxaabiista, wuxuuna faray in ay sii dardargeliyaan shaqada ay bulshada u hayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor