Madaxweynaha Puntland oo Maanta Cafis u fidiyey Wariye Kilwe Aadan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa Maanta Cafis Madaxweyne u fidiyey Wariye Kilwe Aadan Faarax oo dhawaan Maxkamadda Ciidamada Milateriga Puntland ku riday xukun saddex sanno oo xabsi ah.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa waxaa Cafiska loogu fidiyay Wariye Kilwe Aadan Faarax oo bilooyin ku xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Wareegta Madaxweyne Saciid Deni ayaa u qorneyd:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad

Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor