Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Dowladda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda DFS ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka ee DFS Mudane Deeq Suleymaan iyo AF-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Wasiir Xaniifa Maxamed iyo wafdiga la socday ayaa horey u tegay Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, iyagoona kulamo lasoo qaatay madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, isla markaana kala hadashay qoondada Haweenka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media