Madaxweynaha Puntland oo kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu shir aan caadi ahayn uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada.

Shirkaan ayaa Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in looga arrinsanayo  xaalada Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan mooshinka lag gudbiyay Jawaari ee xiisada dhaliyey.

Sidoo kale Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa waxa ay inoo shegen in kulanka looga hadlayo duulanka Puntland ay horay u iclaamisay ee ah dib qabsashada  deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo bil kahor gacanta u gashay Maamulka  Soomaaliland.

Wixii kulankaas ka soo baxa kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media