Madaxweynaha Puntland oo Ku Wajahan Kismaayo

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta ku wajahan Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Ammaanka Magaaladda ayaa aad loo adkeeyay iyada oo Ciidamo dheeri ah la dhigay Xaafadaha Kismaayo.

Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) waxa uu ka qeybgali doonaa shir looga hadli doono xulista Xildhibaanadda Maamulka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor