Madaxweynaha Puntland oo ku laabtay Garoowe iyo Dib u dhac ku yimid Safarkiisa Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Arbaco lagu waday inuu Safar ku gaaro Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Madaxweyne Deni oo diyaarad ka qaaday Boosaaso ayaa ka degay Magaalada Garoowe ,isla markaana waxaa halkaas kus oo dhaweeyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo dadweyne shacab ah.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Boosaaso,waxaana lagu waday in galab diyaarad ay ka qaado Garoonka diyaarada Garoowe,taasi oo ka dejin laheyd Kismaayo,hayeeshee waxaa la shaaciyay in safarka uu baaqay.

Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa lagu waday inay tagaan Magaalada Kismaayo,iygaoona halkaas uga qeyb gelin lahaa Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Deni ayaa maalinta berri ah oo Khamiis ah kusii jeeda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media