Madaxweynaha Puntland oo kala Diray Golaha Deegaanka D/Buurtinle

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-28 ee Juun, 19, 2019, ku kala dirid Golaha Deegaanka ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha

Deegaanka Degmada

Burtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Comments
Loading...