HomeWararMadaxweynaha Puntland oo ka hadlay Khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si Cad u sheegay in bishii May ee sanadkaan 2021 uu Mas’uuliyada amniga iyo doorashooyinka ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si Cad u sheegay in bishii May ee sanadkaan 2021 uu Mas’uuliyada amniga iyo doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna ceeb ku tahay heshiiska uu galay inuu ka baxo.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu fuliyo ballanqaadii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ugu wareejiyay amniga iyo doorashooyinka, uuna u madax baneeyo.

“Madaxweynuhu bishii Maay ayuu si cad sheegey in uu amniga iyo doorashooyinka Raysal Wasaaraha ku wareejiyey, wixii lagu heshiiyey in laysku khilaafo waxay ceeb ku tahay dadkii heshiis kaas galay, Madaxweynaha waxaan u soo jeedinayaa in uu siduu ballanqaaday uu Raysal Wasaaraha u madax baneeyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo Maanta ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe.

Dadaalo kala duwan oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa fashilmay, waxaana gebi ahaan istaagay waan-waantii laga dhex waday labada dhinac.

- Advertisement -

Khilaafka xoogan ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa markii hore ka bilowday xilka qaadis uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, wuxuuna sii xoogeystay khilaafka markii Farmaajo awoodaha ka dhimay Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts