Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay isku shaandheyn la sheegay in lagu sameynayo  Wasiirada maamulkaas

 

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay markii ugu horeysay isku shaandheyn la hadal hayey maalmahaan inuu ku sameynayo wasiirada maamulkaasi, xilli uu la hadlayey Laanta Af-ka soomaaliga ee VOA-da,waxaana uu ka waramay arima badan oo ku saabsan inta uu joogay Xafiiska.

Mar laweydiiyey waxa ka jira inuu ku sameen doono golaha Wasiirada isbadal ayuu ku jawaabay:-

“Is bedelka dowliga ma ahan mid suuqa laga sameeyo iyo maqaayadaha, dadka iyagaa iska jecel, dowladda is bedelka iyo tallaabada ku haboon ayay waqtigeeda qaadeysaa, warkaas warka suuqa weeye, marka ay soo baxda ayaa arkeynaa”ayuu yiri C/wali Gaas.

Maalmihii aanu soo dhaafnay waxaa jira hadal hayn ku aadan isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirada Puntland,waxaana soo baxayey warar la xariira arintaas,taasi oo uu hada ka jawab celiyey madaxweyne Gaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media