HomeWararMadaxweynaha Puntland oo ka hadlay in Qatar ay ku lug lahayd Qaraxii...

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay in Qatar ay ku lug lahayd Qaraxii Boosaaso

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ka hadlay Warbixin ku aadan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Somalia, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar  oo uu soo  bandhigay Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka qeyb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay ayaa waxaa uu sheegay in lagu kalsoonaan karo Warbixinta uu baahiyay Wargeyska The New York Times, taas oo ah in Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar ay kaga wada hadleen Qarax Bishii May ee Sanadkan ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan Qoraal uu daabacay The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.

Hadalkan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo Wargeyka The New York Times uu baahiyay Warbixin ku aadan Cod Telefoon laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani,kaasi oo ay ka wada hadleen Qarixii bishii May ee sannadkan ka dhacay Boosaaso,kaasi oo Mas’uuliyadiisa Sheegtay Ururka Daacish.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories